Maraykanka oo uga digey muwaadiniintiisa banaanbaxa Jimcaha ee Muqdisho

Dowlada Maraykanka ayaa uga digtey muwaadiiniinteeda ku sugan Muqdisho in ay ka ag-dhawadaan goobaha ay musharixiinta u qorsheeyeen ay ka dhacaan bannaanbaxyo looga soo horjeedo Dowladda Federaalka.

Qoraal kasoo baxay Safaaradda Mareykan ee Soomaaliya ayaa muwaadiniinteeda u jeedisay talooyin ay ka mid yihiin inay ka fogaadaan goobtaasi lagu bannaanbixi doono, iyadoo laga cabsi qabaa rabshado in ay ka dhashaan bannaanbaxa sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay Safaaradda Mareykanka.

Midowga Musharixiinta ayaa ku celceliyay inuu banaanbaxa dhici doono hase yeeshee Dowladda Federalka ayaa soo saartay amaro culus oo ku aaddan isku imaanshaha.
Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay degey dhisme ku dhow goobta la iclaamiyay inuu ka dhaco mudaaharaadka loogaga soo horjeedo Madaxweynaha xilligiisa dhamaaday ee Farmaajo.