Maraykanka oo xayiraad ku soo rogay siyaasiyiin Soomaali ah

(Jowhar.com)  Mareykanka ayaa ka mamnuucay in mas’uuliyiin Soomaali ah iyo shaqsiyaad kale ay u safraan Mareykanka, isagoo ku eedeeyay in ay wiiqayaan hannaanka dimuqraadiyadda Soomaaliya.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay in Mareykanka uu soo rogay xayiraadda fiisaha kadib markii Soomaaliya ay dib u dhigtey doorashadii baarlamaanka ee 15ka March.

“Hadda waxaan ku soo rogaynaa xannibaado fiisaha iyadoo la raacayo siyaasaddan ka dhan ah tiro ka mid ah mas’uuliyiinta Soomaalida iyo shakhsiyaadka kale si kor loogu qaado isla xisaabtanka falalkooda is-hortaagga ah,” Blinken ayaa ku yiri bayaan ay soo saartay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Hase yeeshee lama sheegin siyaasiyiinta ay dowlada Mareykanka ku soo rogtay xayiraada xagga dalku galka ah.

Doorashada baarlamaanka oo soo bilaabatay bishii November ayaa ah mid dadban oo ay ku lug leeyihiin odayaasha beelaha soo xulaya 275-ta xubnood ee aqalka hoose, iyagoo markaasi dooranaya madaxweyne cusub waqti aan weli la cayimin.

Xogta ka soo baxday xafiiska isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay ayaa muujineysa in 4.3 milyan oo qof oo ku nool Soomaaliya ay saameeyeen abaaro, iyadoo 271,000 ay barokaceen.

Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab oo inta badan weeraro qoryo iyo qaraxyo ah ka geysta caasimadda Muqdisho iyo meelo kale oo Soomaaliya ka tirsan ayaa sidoo kale caqabad ku noqday doorashada.

Bartamihii bishii hore ee Feberaayo, weerar ismiidaamin ah ayaa lala beegsaday bas yar oo ay ka buuxaan ergooyin doorasho, waxaana ku dhintay ugu yaraan lix qof magaalada Muqdisho. Ergadii wax dhaawac ah masoo gaarin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More