Mareykanka oo ku biiray kacdoonka ka dhanka ah Shabaab ee Hiiraan (27 Shababa ah uu dilay).

Sept. 22 (Jowhar.com)-Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay duqeyn dhinaca cirka eheyd oo ciidamadda Mareykanka ay 18-kii bishan ku beegsadeen xubno Shabaab ah oo ku sugnaa qeybo kamid ah gobolka Hiiraan.

Qoraal ka soo baxay Africom ayaa lagu sheegay in 27 Shabaab ah lagu dilay weerarkan oo dhacay markii maleeshiyada Al Shabaab ay Ciidamada Dowladda ku weerareen meel u dhow Degmada Buulo Burde.

“Qiimeynta hordhaca ah ee taliska ayaa lagu sheegay in duqaynta lagu dilay 27 ka tirsan argagixisada Al Shabaab, isla-markaana aysan jirin waxyeelo ka soo gaartay dadka rayidka ah.” Ayaa lagu yiri warka.

Mareykanka ayaa sheegay iney sii wadayaan weerarada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyagoo haatan fasax u heysta iney fuliyaan duulaanada ka dhanka ah kooxdan oo khatar ku ah amniga dalka.

“Ciidamada Mareykanka ayaa loo fasaxay inay fuliyaan weeraro ay ku difaacayaan ciidamada. Weerarada is difaaca ah ayaa u sahlay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Midowga Afrika in ay dib u sii wadaan hawlgalka lagu wiiqayo Al Shabaab ee ka socda Gobolka Hiiraan ee Bartamaha Somaliya. Hawlgalkan ayaa ah kii ugu ballaarnaa, ee ay Soomaalida iyo ATMIS iska kaashadaan, muddo shan sano ah.” ayaa lagu yiri warka.

Qoraalka ayaa lagu sii daray iney la feejigan yiniin in waxyeelo ka soo gaarto weeraradan dadka shacabka ah, iyadoo si aada looga taxadarayo arrintaas.

“Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa qaadaya tallaabooyin ka fiirsasho leh, si looga hortaggo waxyeelada rayidka. Dadaaladan ayaa ka duwan weerarada aan loo meel dayin, ee ay Al Shabaab sida joogtada ah ugu gaysato dadka rayidka ah.” ayaa lagu sio daray.

Si kastaba, weerarkan ayaa ku soo beegmaya xili kacdoon ka dhan ah Shabaab uu ka socdo gobolka Hiiraan, kaasoo ay iska kaashaayaan ciidamadda dowadda iyo dadka deegaanka, Mareykanka ayaa u muuqda inuu haatan kusoo biiray howlgalkaas.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More