Mareykanka oo markab weyn u soo diray xeebaha Soomaaliya

Mareykanka ayaa markab dagaal u soo diray xeebaha Soomaaliya, si uu uga qeyb qaato howlgalka daadgureynta Ciidamada ku sugan Soomaaliya.

Markabkan oo lagu magacaabo USS Hershel ‘Woods’ Williams ayaa todobaadyada soo socda daabulaya Ciidamo gaaraya illaa 700 askari oo ku sugan Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in markabkan oo ah kuwa diyaaradaha xambaara ayaa sidoo kale Ciidamada waxaa uu u daabuli doonaan goobo kale.

Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa dhowaan shaaciyay in illaa 700 askari laga saari doono Soomaaliya.

Ciidamo kooban ayaa Mareykanka ka sii joogi doona Soomaaliya, si ay u sii wadaan howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Donald Trump ayaa dhowaan amar ku bixiyay in Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya laga soo saarayo