Mareykanka oo war ka soo saaray weerarka ka socda Xayaat Hotel.

August 20 (Jowhar.com-Dowladda Mareykanka ayaa war ka soo saartay weerarka ka socda hoteelka Xayaat oo habeenkii 2aad galay, iyadoo weerarkan uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

War qoraala oo ka soo baxay safaarada Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu canbaareeyay weerarkan, iyagoo tacsi u diray eheladada dadka dhintay, waxeyna caafimaad deg deg ah u rajeeyeen dadka dhaawacyada qaba.

Mareykanka ayaa sheegay iney sii laba jibaarayaan taageerada ay siiyaan dowladda Soomaaliya, si loo soo afjaro khatarta kooxda Shabaab oo ah caqabada koowaad ee horumarka dowladnimada Soomaaliya.

Si kastaba, Khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarkaan, waxayna dhimashada ku dhowdahay illaa 20 halka uu dhaawaca kor usii dhaafayo 40.

Howlgalkaan oo qaatay saacado badan ayaa soo bilowday xalay markii ay kooxda Al-Shabaab hotelka ku qabsadeen weerar ku bilowday qaraxyo is qarxin ah oo gaarayo illaa 3 qarax.

mareykanka oo war ka soo saaray weerarka ka socda xayaat hotel.
mareykanka oo war ka soo saaray weerarka ka socda xayaat hotel.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More