Mas’uul ka tirsan xisbiga UCID oo lagu dilay magaalada Laascaanood.

June 21 (Jowhar.com)-wararka naga soo gaarayo gobolka Sool ayaa sheegaya in xalay kooxo hubeysan ay ku dileen Guddoomiyaha Gobolka Sool ee Xisbiga UCID Maxamed Aflahaar.

Marxuumka oo dhowr xabadood qeybaha sare ee jirka looga dhuftay u geeriyooday ayaa kamid ahaa waxgaradka & siyaasiyiinka ugu miisaanka culus ee Gobolka Sool, kaasoo inta badan u hadli jiray shacabka reer Laascaanood.

Wali faah faahin buuxa lagama bixin sababta loo dilay iyo cida dishay, balse waxaa socda baaritaano ay wadaan laamaha amniga oo ay doonayaan iney ku soo qabtaan kooxihii falkaasi dilka ah ka danbeeyay.

Dilka mas’uulkan ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee UCID ayaa ku soo beegmayo xili Hargeysa iyo magaalooyinka kaleba ay ka taagan tahay khilaafka u dhexeeya mucaaradka iyo xukuumada Muuse Biixi ee ka dhashay cabsida laga qbao daaha doorashada, iyadoo hoggaanka xisbiyada ay isku dayo dil ah oo fashilmay ku eedeeyeen nidaamka madaxweyne Biixi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More