Maxaa ka jira shuruuda la sheegay in Galmudug ku xirtay shirka Afisyooni

Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa ka hadlay wararka sheegaya in Galmudug shuruud ku xirtay shirka loo balansan yahay inuu ka dhaco Teendhada Afisyooni, kaasoo ay isugu yimaadaan dowladda Federaalka, dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Axmed Shire Falagle ayaa sheegay in mar walba Galmudug aysan wax shuruud ah ku xireyn meesha danaha Soomaaliya looga shaqeynayo, isagoo xusay in aanay ogeyn shir Xalane ka dhacayo, balse Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ay Xalane u dageen arrimo amni awgiis.

“Dalka dowlad buu leeyahay, ayada ayaa shir guddoomineysa, Shir xalane ka dhacayo ma ogin, shirka iyo casuumaadiisa waa shirka dowladda federaalka ay dhigtay anaga diyaar ayaa u nahay, waxaa horay dowladda u casuuntay, Soomaaliya waa dhaaftay in shisheeye goobjoog u noqdo oo hoggaamiyo, Soomaalida ayada waxeeda dhameysaneysa”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug ayaa sheegay in shirka loo qabanayo sida qaabkii uu u dhacay shirarkii Dhuusamareeb ama dowladda Federaalka ayaa casuumeysa oo ayada guddoomiso sida uu yiri.

Mar uu ka hadlayay safarka uu ku maqan yahay Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay inuu safar shaqo ugu maqan yahay Turkiga, dhowaan uu dalka dib ugu soo laaban doono.

Shirka la filayo in dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada isugu yimaadaan ayaa shaki badan la gelinayaa inuu noqdo mid guuleysta, waxaana jira caqabado kala duwna oo ku horgudban qabsoomida shirkaas oo ay ugu weyn tahay shuruudaha labada dhinac.