Maxaabiistii lagu qabtay dagaalka Beled Xaawo oo la geeyay magaalo kale

Wararka ka imanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii ka dhacay magaalada Beled Xaawo in loo wareejiyay magaalada Doolow oo ku taal xadka Soomaaliya iyo Ethiopia.

Maxaabiistan oo ka tirsanaa ciidamada Jubbaland ayaa lagu daabulay gaadiidka waaweyn ee xamuulka waxaana lagu xareeyay xero ciidan oo ku taal deegaanka Buundo Garas ee Degmada Doolow.

Lama oga sida ay ka yeeleyso maxaabiistan oo qaar ka mid ah iyadoo la wareysanayo la soo dhigey baraha bulshada.

Sababaha looga wareejiyay magaalada Beled Xaawo maxaabiistan ayaa la sheegay inay tahay cabsi laga qabo in markale uu dagaal ka dhaco iyadoo ay weli jirto xiisada colaadda ee ka jirta Beled Xaawo.