Maxkamad diiday in aasaasihii Wikileaks Assange in loo gacan geliyo dowlada Maraykanka

Maxkamad ku taal magaalada London ayaa diiday in Aasaasihii Wikileaks oo ah shabakad siraha kashifta Julian Assange loo gacan geliyo dowlada Maraykanka sababo caafimaad awgeed.

Garsooraha Maxkamada ayaa horistaagay codsiga Maraykanka kadib markii xaalada caafimaad ee dhanka dhimirka aysan caadi ahayn halisna uu ugu jiro inuu isdilo haddii Maraykanka loo gacan geliyo.

Assange oo 49 jir ah ayaa loo haystaa inuu daabacay kumanaan dukuminti oo sir ah kaasi oo uu kashifay intii u dhexeysay 2010 iyo 2011.

Maraykanka ayaa ku eedeynaya Assange in uu halis geliyay nolosha dad badan oo Maraykan ah waxana ay dadaal xoog leh u gashay in loo soo gacan geliyo balse Assange ayaa ku macneeyay arrintan inay tahay mid siyaasad salka ku haysa.

Dowlada Maraykanka ayaa haysta muddo 14 cisho ah si ay racfaan uga qaadato dacwadan. Waxaana dib loogu celiyay Mr Assange xabsiga Belmarsh.