Maxkamada magaalada Beledweyne oo amartay in la sii daayo dhalinyaro ka soo horjeesatay maamulka

Maxkamada magaalada Beledweyne ku ayaa maanta la horgeeyay 7 ruux oo isugu jira rag iyo dumar kuwaasoo maamulka gobolka Hiiraan dhowaan xabsiga dhigey.

Dadka la sii daayay ayaa isugu jira 4 rag ah iyo saddex haween ayaa lagu eedeeyay inay ka qeybgleen shir dhalinyarada magaalada Beledweyne ay lahaayeen kaasoo loogaga soo horjeeday hanaankii loo maray dhismahii Maamulka Hirshabeelle.

Laamaha amaanka magaalada Baladweyne ayaa waday dhowrkii todobaad ee ugu danbeeyey howlgalo lagu xir xiray ku dhawaad 20 ruux iyadoo markii dambe xabsiga laga sii daayey.

Magaalada Beledweyne ayaa qaar ka mid ah siyaasiyiinta ku dhaqan waxa ay ka soo horjeesteen sida loo maamulay doorashadii bishii November ee sanadkii hore ka dhacday magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle.