Maxkamada Sare ee Puntland oo dhagaysatay dacwad loo haysto xildhibaano xasaanada laga qaaday

Maxkamadda Sare ee Puntland ayaa maanta markii labaad dhageysatay dacwada loo heytso 8 xildhibaan oo dhawaan baarlamaanka Puntland ka qaaday xasaanadda.

Qaryqaan guud ee Puntland Maxamed Yuusuf Maxamuud ayaa 8 mudane ku eedeyay burburin hanti iyo dastuur jabin, alse qareenada u doodayay xildhibaanada ayaa sharci darro ku tilmaamay eedeynta garyaaqaanka, waxayna sheegeen in kiis ku bilowday faldambiyeed ciqaab ah aan loo rogi karin idaari.

Xildhibaanada xasaanadda laga qaaday ayaa ku dooday in dacwadoodu uusan qaadi karin guddoomiyaha maxkamadda sare, maadaama ay wadeen qorshe ka dhanka maxkamadda sare iyo in ay qaraabo yihiin guddoomiye xigeen koowaad ee baarlamaanka oo ay is hayeen.

Maxkamadda ayaa maanta soo gabagabaysay dhaqeysiga kiiskan, iyadoo qareenada u doodaya 8-da xildhibaan ay ku gacansayreen.

Maxkamadda waxaa maanta horyimid afar mudane oo kala ah Cabdicasiis Siciid Gacamey, Saleebaan Faarax Ciise, Maxamuud Axmed Caalim iyo Cabdiqani Abshir Jaaamc.

Maxkamadda sare ee Puntland ayaa maalmaha soo socda ku dhawaaqi doonta xukunka kiiska loo haysto 8 mudane ee xasaanadda laga qaaday.