Maxkamadda ciidamada oo sii deysay Taliyihii hore ciidanka DANAB

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta sii deysay Taliyihii hore ee ciidanka DANAB ee sida gaarka ah u tababaran, kaasoo horay Taliska Ciidanka xoogga dalka ugu soo eedeeyay wax is daba marin iyo isticmaalka awood dheeri ah oo aan lala ogeyn.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jen. Odawaa Yuusuf Raage ayaa shaqo joojin ku sameeyay bishii September Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik, waxaana tallaabadaas si aad uga carooday Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho

Sarkaalkan oo markii shaqo joojinta lagu sameeyay la geliyay xabsi guri, ayaa waxaa markii dambe kiiskiisa lagu wareejiyay Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada qalabka sida, waxaana Maxkamad la soo taagay labo jeer.

25-kii bishii November ayaa la dhageystay eedeyama ka dhanka ah Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik, waxaana markhaatiyaal Maxkamadda ka hadlay ay qireen in Ismaaciil Cabdi Maalik uu yahay sarkaal asluub wanaag leh

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa markii dambe dalbaday in dacwada dib loo dhigo, maadaama aanay dhameystirneyn dacwada loo heysto, intaas kaddib 6-dii bishii december ayay Maxkamadda mar kale dhageysatay dacwada loo heystay.

Ma jirin qof ku marqaati kacay oo ku saabsanaa eedeymaha Taliyaha loo soo jeediyay, waxaana qareenka u doodayay Gaashaanle Ismaaciil cabdi Maalik uu ku tilmaamay inuu ahaa sarkaal kulansaday akhlaaq wanaag, ka warqabida ciidanka iyo dhisida moraalkooda, sidaas darteed loo baahan yahay in maxkamadda sii deyso

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa isna sidoo kale qiray in Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik uu shaqa wanaagsan ka qabtay howlaha loo igmaday laakiin uusan taliskiisa Ogeysiis ka siin howlahaasi.

Maxkamadda Ciidamada ayaa ugu dambeyn amartay in Xorriyadiisa dib loogu Celiyo Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik Taliyihii Danab hadii aysan jirin dambiya kale oo loo haysto.

Si kastaba ha ahaatee xariga iyo xil ka qaadista Jen. Ismaaciil Cabdi Maalik ayaa waxaa ka dhashay cambaareyn iyo in loo arkay arrin siyaasadeed, waxaana odayaal dhaqameedyo ka hadlay xarigiisa ku tilmaameen inay tahay mid ku tagri fal awoodeed oo beel gaar ah lagula dagaalamayo.