Meydka Ugaas Xasan oo la geeyay magaalada Beledweyne

Meydka Allaha u naxariistee Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo dhowaan ku geeriyooday magaalada Muqdisho ayaa maanta la geeyay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Diyaarada siday meydka Ugaaska ayaa sidoo kale la socday mas’uulyiin kala duwan oo uu ka mid ahaa Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Dowlada Soomaaliya Generaal Muqtaar Xuseen Afrax.

Magaalada Beledweyne ayaa waxaa sidoo kale gaaray salaadiin ka kala tagtay gobolada dalka kuwaasoo ka qeybgalay aaska loo sameynayo Marxuum Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Meydka Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa lagu wadaa in maalinta berito ah lagu aaso qabuuraha Dahara Ugaas oo duleedka deegaanka Halgan oo ka tirsan degmada Buuluburte ee gobolka Hiiraan halkaas oo aay ku aasan yihiin 19 Ugaas oo Ugaas Xasan ka horeysay.