Mid ka mid ah beelaha Galmudug oo qaadacday soo xulista golayaasha deegaanka Dhuusamareeb

Mid ka mid ah beelaha dega dowlad goboleedka Galmudug ayaa ku eedeysay madaxda dowlad goboleedka Galmudug in ay duudsisay xaqa ay u lahaayeen ka mid noqoshada golayaasha deegaanada Galmudug.

Qoraal ay soo saareen waxgaradka iyo duqeyda dhaqanka Beesha Saruur ayaa waxa ay ku tilmaameen inay tahay caddaalad darro habka loo qeybiyay kuraasta golayaasha deegaanada degmooyinka Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo.

Halkan hoose ka aqriso qoraal ay soo saartay beeshan;
qaadacday soo xulista

Ujeedo : Qaadacaad soo xulista Goleyaasha deeganka Dhusamareb iyo Galkacyo

Taariikh: 08/ 02/ 2021

Beel weyn ta SARUUR oo kamid ah beelaha degaanka ballaaran ka dega Dowlad goboleedka Galmudug isla markaana leh xaquuq la siman 11 ka beelood ee ku midoobay dhismaha dowladda Galmudug oo dhammaantood metelaadoodu ka soo muuqatay golayaasha deegaanka Caasimadda Dhuusamreeb iyo magaalada Gaalkacyo ee caasimadda gobolka Mudug ayaa noqotay Beesha kaliya oo aan ka helin wax metelaad ah labadaas magaalo oo ay deganyihiin waxaana ka hor istaagay ka qeybgal ka labadaas gole deegaan Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Wasiirkiisa arimaha gudaha Cabdi Maxamed Jaamac (waayeel iyo wasiiru-dowlaha wasaaradda arimaha gudaha Axmed Cali Xasan (Dheere)

Sidaas daraadeed: annagoo ah odoyaasha dhaqanka iyo wax garadka Beel weyn ta Saruur ee ku dhaqan Caasimadda Dowladda Galmudug waxaan kasoo horjeednaa oo aan qaadaceynaa sida Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Wasiirkiisa arimaha gudaha Cabdi Maxamed Jaamac (waayeel) iyo wasiiru-dowlaha wasaaradda arimaha gudaha Axmed Cali Xasan (Dheere) u maamuleen qeybta Golayaasha Deegaanka ee Caasimadda Dhuusamareb iyo Gaalkacyo oo Beesha SARUUR lagu faquuqay.

BAAQ

Ugu danbeyn Beel weyn ta Saruur wexey ugu baaqeysaa:

1. Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) in uu kasiiyo Beesha SARUUR xaquuqda uga maqan Golayaasha Deegaanka Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo iyo dhamaan xaquuqaha kale ee siyaasadeed hadii kale uu caddeeyo in aysan beesha SARUUR ka mid eheyn beelaha Galmudug maamulkeeda wax ku leh.

2. Hey’adaha Caalamiga ah ee taagera dhisidda goleyaasha deegaanka Galmudug in eey joojiyan taageerada dhaqaale iyo midda farsamo ee ay siiyaan dhisidda golayaasha deegaanka Galmudug maadaaba uu ku sifoobay caddaalad darro iyo wax isdaba marin.

3. Waxaan sidoo kale ugu naaqeynaa dhammaan siyaasiyiinta , waxgaradda, aqoon yahanka, dhalinyarada iyo haweenka Beesha Sauur ineey ka dhiidhiyaan caddaalad darrada iyo faquuqqa ay Madax weynaha Galmudug iyo Wasaaradda arimiha guduhu kula keceen beesha Saruur.