Mid kamid ah shaqaalaha maxkamadda gobolka Banaadir oo lagu qarxiyay Muqdisho .

Sept. 27 (Jowhar.com)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goordhow qarax xooggan uu ka dhacay nawaaxiga kontrolka laga ilaaliyo madaxtooyada ee dhanka Seydka, iyadoo jugta qaraxaasi laga maqlay xaafado kamid ah caasimadda.

Sida wararka hordhaca ah ee la helayo ay sheegayaan, Qaraxa oo ahaa Miino waxaa gaarigiisa loogu xiray wiil dhalinyara ah oo lagu magaaabo Musharaf Mohamed Mo’allim oo kamid ay shaqaalaha dowladda.

Dhaawac daran oo soo gaaray ayaa looga qaaday goobta waxaana haatan xaaladiisa caafimaad lagu dabiibayaa mid kamid ah isbitaalada ku yaala magaalada Muqdisho.

Musharaf Mohamed Mo’allim ayaa kamid ah shaqaalaha ugu firfircoon ee maxkamadda gobolka Banaadir, wuxuuna qaraxa lala eegtay uu kusoo beegmay maalin kadib markii Hay’adaha garsoorka ee dalka digniin adag u direen dadka u cadaalad raadsada kooxda Al-Shabaab.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More