Midowga Afrika oo ku amray AMISOM in dhex dhexaad ka noqdaan waxa ka socda Muqdisho

amisom

Qoraal goordhow ka soo baxay Midowga Afrika ayaa lagu sheegay inay si dhow ula socdaan in dagaal uu Muqdisho ku dhex maray labo ciidan oo ka wada tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed.

Qoraalkan waxaa lagu amray ciidamada AMISOM inay dhexdhexaad ka noqdaan arrimaha socda isla markaana ay joojiyaan socodka iyo dhaqdhaaqa.

Ugu dambeyntii, waxaa la faray AMISOM in ay ku shaqeeyaan awoodaha lasiiyey, oo ay ilaaliyaan hantida iyo nafta kuwa ka tirsan AMISOM iyo meelaha ay ilaaliyaan sida Villa Somalia, haddii awood laga maarmi waayana ay awood macquul ah adeegsadaan.

Xaalada magaalada Muqdisho ayaa degan, kaddib dagaalo xalay illaa saaka ka dhacay, iyadoo magaalada gashay xaalad ciidan.