Midowga Musharaxiinta oo ka digay in isbaaro loo dhigto bannaan baxa jimcaha

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa mar kale ku adkeystay inay qabanayaan bannaan baxa maalinta jimcaha, iyagoo ka digay in laga waantoobo oo aan la is hortaagin si la mid ah kii jimcihii hore.

Afhayeenka Midowga Musharaxiinta Daahir Maxamuud Geelle oo goordhow shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in Soomaali ay diiday in la qasbo, isla markaana haatan aysan aqbali doonin.
Musharax Dahir Geelle ayaa sheegay in bannaan bixii jimcihii hore isbaaro loo dhigtay, isla markaana aanay aheyn in loo hoggaansamo isbaaro iyo Argagixiso.
Waxaa uu sheegay inuu culeys leeyahay bannaan baxa, balse haddii la iska dhaafo ay ka badan tahay waxa ummadda Soomaaliyeed ku dhacaya oo ah inay gumoobayaan, isagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ka soo qeyb galaan.
“In nala qasbo ayaa diidnay Soomaali haddaan nahay hadda ka hor, hadana ma aqbali karno, taas nuxurkeeda waxaa kala jeednay maalin dhoweyd markii bannaan baxa nabadeed aan qabaneynay isbaaro ayaa naloo dhigtay, isbaaro iyo argagixiso looma hoggaansamo waa laga horyimaadaa sidaas darteed waxaa go’aansananay maalinta jimcaha ee soo socota waxaa rabnaa inaan mudahaaraadkii nabadeed inaan qabno waxaa rabnaa in laga waantoobo isbaaradii loo dhigan jiray la ogaado isbaaro iyo argagixiso looma hoggaansamo waa laga diidaa, culeys ayuu leeyahay, laakiin haddii la iska dhaafo waxa idinku dhacayo ayaa ka badan waa gumoobeysaan, mana rabno Soomaali inay gumowdo dadka inaan waxaan inaan barno yeel oo sharci darro ah maya oo sharci ah inay ka horgeeyaan”ayuu yiri Musharax Dahir Maxamuud Geelle oo ah Afhayeenka Midowga Musharaxiinta.
Maalintii shalay ayay aheyd markii Sii hayaha xilka Wasiirka Amniga Xasan Xundubey Jimcaale uu sheegay in la joojiyay bannaan baxyada kuwa lagu taageerayo dowladda iyo kuwa looga soo horjeedo, sababo la xiriira faafitaanka cudurka Coronavirus iyo amnigaba.