Midowga Musharaxiinta oo ku gacan seyrey go’aanka dowlada ee dibadbaxyada

Midowga musharixiinta ayaa ku gacanseyray go’aankii dowladda ee ahaa in la joojiyay ama la mamnuucay gabi ahaanba isku soo baxyada si loo xakameeyo cudurka Covid 19.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah ka mid ah midowga musharixiinta ayaa sheegay in aysan dhag jalaq u siin doonin go’aanka dowladda ay isku hortaagtay dibadbaxa, isagoo sheegay inuu yahay xaq dastuur ah in dadku aragtidooda cabiraan.

“Markii ay dowladdu go’aankan ku dhawaaqeysay maalintii shalay magaalada Beledweyne waxaa ka dhacayay dibadbax lagu taageerayay madaxweynaha xilhayntiisu dhamaatay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Muxuu yahay sharciga fasaxaya dibadbaxa madaxweynaha lagu taageerayo ee diidaya kan looga soo horjeedo.”ayuu yiri Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Hase yeeshee Wasiirka Amniga Soomaaliya ayaa shirka jaraa’id ee uu qabtay shalay ka sheegay inaan la mamnuucay nooc kasta oo dibadbax mid dowladda lagu taageersan yahay in mid kale oo looga soo horjeedo, iyada oo taa loo yeelayo sababo caafimaad iyo mid amni intaba.

Midowga Musharaxiinta ayaa dhowaan markale ku baaqay isu soo bax ballaaran oo loogaga soo horjeedo dowlada federalka iyadoo ku baaqday in dadku ay isugu yimaadaan fagaaraha Daljirka Dahsoon.