Midowga Musharaxiinta oo Madaxweyne Farmaajo uga digay inuu olole u adeegsado siyaasadda dibadda

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa war ka soo saaray go’aankii dowladda Soomaaliya ay hoos ugu dhigtay xiriirkii Kenya.

War saxaafadeed ay soo saareen Midowga Musharaxiinta ayaa waxay ku muujiyeen walaacooda ku aadan in siyaasadda arrimaha dibadda laan loogu daneyn danta Qaranka.

Waxaa ay ugu digeen Madaxweyne Farmaajo in siyaasadda arrimaha dibadda u adeegsado olole doorasho.

Midowga Musharaxiinta ayaa xusuusiyay Madaxweyne Farmaajo in ololihiisa doorashada 2016 ay xaruntiisa aheyd Kenya, halku dhigga ololaha uu ku soo galay ay aheyd in Itoobiya tahay Cadawga Soomaaliya, Kenyana saaxiib, balse xilligan ay sida kale isu rogtay.

Halkan hoose ka akhriso war saxaafadeedka:-