Midowga Musharaxiinta oo mar kale ku baaqay bannaan bax jimcaha ka dhici doona Daljirka Dahsoon

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ee mucaaradka ah ayaa mar kale ku baaqay bannaan bax maalinta jimcaha oo ku beegan 26 Febraayo oo ka dhici doona Taalada Daljirka Dahsoon.

Shir jaraa’id oo Musharaxiinta goordhow ku qabteen Hotelka Jazeera oo xarun u ah ayaa lagu shaaciyay in bannaan baxa weli sidiisa yahay oo ay qaban doonaan jimcaha.

Ciidamada ammaanka ee dowladda ayaa is hortaagay banaan bax jimcihii Musharaxiinta ku qaban lahaayeen Taalada Daljirka Dahsoon, iyadoo la rasaaseeyay bannaan bax ay hoggaaminayeen qaar ka mid ah Musharaxiinta.

Sidoo kale Ciidamada Gorgor ee Milateriga ayaa habeenkii jimcaha weeraray Hotelka ay degenaayeen Madaxweynayaashi hore, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Si kastaba ha ahaayee xiisada siyaasadeed ee dalka ayaa cirka isku shareertay, kaddib markii uu khilaaf ka dhashay hannaanka doorashada, iyadoo uu waqtiga ka dhacay Madaxweyne Farmaajo.