Midowga Musharixiinta oo ku tilmaamay hadalkii Duqa Muqdisho mid colaad hurin ah (Baaq culus)

Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa si kulul u cambaareeyay hadalkii ka soo yeeray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, iyagoo ku tilmaamay inuu ahaa mid colaad hurin ah, ayna dhab ku qaadanayaan hanjabaada Guddoomiyaha ay tahay farriin ka timid Madaxweyne Farmaajo, toosna ugu socota xubnaha Musharaxiinta.

Sidoo kale Goluhu ayaa sheegay inay u cadaatay in hoggaanka dowladda uu adeegsanayo tabihii Al-Shabaab ee xalaaleysiga dhiigga shacabka, iyadoo diin la adeegsanayo.

Halkan hoose ka akhriso: