Milkiilaha Astaan TV Cabdimanaan oo lagu xukumay shan sano oo xabsi ah

Astan-tv

Maxkamada magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland ayaa xabsi shan sano ah iyo ganaax lacageed ku xukuntay milkiilaha Tvga maxaliga ah ee Astaan Cabdimanaan Yuusuf.

Cabdimanaan Yuusuf oo ah milkiilaha TV-ga Astaan kana soo jeeda gobolada koofurta Soomaaliya ayaa bilihii la soo dhaafay ku xirnaa magaalada Hargeysa.

Maxkamada ayaa amartay in gebi ahaanba albaabada la isugu dhifto TV-ga Astaan qeybtiisa ka howlgasha Somaliland.

Maxkamaddu ma shaacin sababta uu Cabdimanaan Yuusuf Maxamed ku muteystay ciqaab intaas le’eg, waxaana arrintan ay dad badan ku noqotay la yaab.

Dhanka kale qareenada u doodayey milkiilaha Astaan ayaa sharci darro ku tilmaamay xukunka ay ridday maxkamadda, iyagoo shaaciyey in lagu heysto sifo sharci darro ah.