Munaasabada xil wareejinta Madaxweynaha cusub ee Maraykanka oo ka bilaabatay Washington

Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Joe Biden iyo ku xigeenkiisa Kamala Harris ayaa gaaray US Capitol si ay ula wareegaan xilka.

Hase yeeshee Donald Trump iyo xaaskiisa ayaa isaga huleelay Aqalka Cad ee Maraykanka isagoo aan ka qeybgali doonin munaasabada xil wareejinta.

Joe Biden ayaa noqonaya madaxweynihii ugu horeeyey oo muddo 150 sano uusan goobjoog ka ahaynmadaxweynaha xilka ka degaya.

Dadka ka qeybgalaya munaasabada ayaa aad uga yar kuwii hore uga qeybgali jirey sababo la xiriira cudurka Covid-19.

Madaxweynayaashii hore ee dalka Maraykanka Obama, Clinton iyo Bush ayaa goobjoog ka ah munaasabada.