Muqdisho: Nin Hooyadiis dilay oo isna la dilay

Dhacdo naxdin leh ayaa shalay ka dhacday degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho, kaddib markii Cabsiye Caddaan uu hooyadiis ku dilay gurigooda oo ku yaalla agagaarka Isbitaalka Keysaney.

Ninkan ayaa la sheegay in hooyadii uu u dilay boos dhaxal ah oo uu ka dalbaday in loo iibiyo, hase ahaatee loo diiday.

Ninkan ayaa dilka hooyadii u adeegsaday tooreey, oo uu dhowr jeer qeybaha sare jirkaka geliyay, sidaasna ay hooyadii u geeriyootay.

Ehelada qoyska dhacdadan argagaxa leh ku dhacday ayaa sheegay in ninka dilka geystay uu isticmaalay waxyaabaha maanka dooriya.

Sidoo kale waxaa dhacdadan ku dhaawacmay wiil deris la ahaa qoyska, oo u soo gurmaday hooyada uu tooreyda la dhacayay wiilkeeda.

Ciidamada amniga degmada Kaaraan oo goobta soo gaaray ayaa waxay toogteen wiilka, iyaga oo doonayay inay qabtaan, balse uu tooreey la soo aaday ciidamada.

Ninka ayaa la sheegay inuu markii dambe u geeriyooday dhaawaca ka soo gaaray rasaas Ciidamada amniga ku rideen.

Dhacdada uu Ninkaasi ku dilay Hooyadiis ayaa si weyn looga hadal haayay, waxaana dhacdooyinka noocaan ah ku soo badatay magaalada Muqdisho.