Musharax Madaxweyne Cabdqaadir Cosoble oo booqasho ku tegey Jowhar

Musharax Madaxweyne Cabdiqaadir Cosoble Cali kana mid ah Midowga Musharaxiinta ayaa booqasho ku jooga magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle isagoo kulamo la yeeshay madaxda dowlad goboleedka Hirshabelle.

Cabdqaadir Cosoble Cali ayaa kulamo kala gaar gaar ah la yeeshay Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen iyo Gudoomiyaha Baarlamanka Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Cabdixakiim Luqmaan Xaaji Muxumed.

Kulamadaa ayaan la ogeyn arrimaha looga hadlay iyadoo aan saxaafada loo ogolaan inay goobjoog ka ahaadaan.

Musharax Madaxweyne Cabdqaadir Cosoble Cali oo ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka ayaa deegaan doorashadiisa waxa ay tahay magaalada Jowhar ee caasimada Hirshabelle.