Musharax Madaxweyne Daahir Geelle oo si weyn loogu soo dhoweeyay Muqdisho

Musharax Madaxweynaha Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho,isagoo safar dalka dibadiisa ugaga maqnaa toddobaadyadii la soo dhaafay.

Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho waxaa Musharax Madaxweyne Geelle waxaa kusoo dhaweeyay, Xildhibaano, Siyaasiyiin, Odayaal Dhaqan iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ku nool Magaalada muqdisho.

Wadada ka timaada Garoonka Adan-Cadde ilaa Xarunta Xisbiga DAN-QARAN ayaa waxaa ku sugnaa Boqolaal Ruux oo watay Funaanada uu ku buufsan yahay sawirka Musharax Daahir Geelle, kuwaas oo ku dhawaaqayay erayo ay kusoo dhaweynayaan.

Musharax Madaxweynaha Soomaaliya wasiirkii hore ee Warfaafinta Daahir Maxamuud Geelle oo la hadlay dadkii ka qeybgalay soo dhoweyntiisa ayaa sheegay in ay u baahan yihiin siyaasad ku dhisan Nabad, deganaan iyo in dalka ay ka dhacdo doorasho iswada-ogol ah.

“Waxaan u baahanahay Siyaasad degan, Nabad ay doorashada ku dhacdo si iswada-ogol ah isdil iyo dagaal isku goodin & dhiilada waa isku dirid dadban, waa dagaal bilaawgiis anagana taasi dooni meeyno ayuu yiri” Musharax Daahir Geelle.

Waxaa uu sheegay in Siyaasiyiinta badankood ay kusoo aruureen magaalada Muqdisho, isla markaana ay ka hadli doonaan sida ay noqonayaan doorashoyinka dalka, hayeeshee muhiim ay tahay in si nabad ah wax lagu raadiyo.

Waxaa uu ka digay in la abuuro Colaado sekeeye oo dalka ka dhaca, waxaana uu sheegay in hanaan nabdoon wax lagu raadiyo ay tahay hamigiisa koowaad oo uu u shegayo dadka uu doonayo in xukumo.