Musharax Madaxweyne Daahir Geelle oo soo gabagabeeyay booqasho uu ku joogay dalka Turkiga

geelle

Musharax madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle oo maalmahaan ku sugnaa Turkey ayaa xalay magaalada Istanbul kulan kula yeeshay ardayda, Ganacstada iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee Turkey.

Amb Geelle ayaa si fiican uga sheekeeyey xaaladda dalka iyo waxa uu damacsanyahay inuu ka qabto haddii uu ku guuleysto hoggaaminta dalka.

Ka soo qaybgalayaasha ayaa su’aalo ka waydiiyey damaciisa hoggaamineed ee dalka iyo khibradda uu u leeyahay inuu hoggaamiyo dalka. Amb Daahir Geelle ayaa bartiisa soo dhigay qoraal waxana uu ku yiri:

“Hawlo shaqo oo aan beryahaan u joogay magaalada İstanbul ee dalka Turkiga ayaan caawa ku soo gabagabeeyay madal wadatashi iyo casho sharaf oo aan la yeeshay qaar kamid ah ardayda, ganacsatada iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada İstanbul.

Quluubta dadku waa buugaag laga aqrisan karo waxyaabo badan oo lugu dabari karo duruufaha iyo xaaladaha taagan.

Kulamada nuucaan ah waxay ka midyihiin qaababka aan rabo in aan ku gaaro bulshada si aan u kala qaadanno xoga badan. Mahadda Allaa leh, markaas ka dib dhallinyaradii soo qaban qaabisay iyo intii kulanka ka soo qaybgashay”

Danjire Daahir Geelle ayaa ka mid ah musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya u sharaxan 2021, wuxuuna ku jiraa dadka loo saadaalinaayo inay ku guulaysan karaan.