Musharaxiinta Madaxtinimada dalka oo ka soo horjeestey magacaabista guddiga doorashooyinka

Somalia: Preserving the Integrity of the Election

Qoraal ay soo saareen illaa 12 musharax ee Madaxweynaha dowlada federalka ayaa shaaciyay inay ka soo horjeedaan magacaabista guddiyada doorashooyinka iyo xallinta khilaafaadka iyo weliba soo xulista guddiga doorashooyinka ee Maamulka Somaliland.

Qoraal ka kooban saddex bog oo ay soo saareen musharaxiintan ayaa waxa ay ku baaqeen in wax laga bedelo qaabka loo soo xulay guddiyada doorashooyinka waxayna walwal ka muujiyeen in guddiyadan ay yihiin kuwo loogu talagalay in lagu musuqmaasuqo doorashada dalka.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka ay soo saareen Musharaxiinta;