Musharaxiinta Madaxweynaha oo bilaabay inay degaan gudaha degmooyinka Muqdisho

Qaar ka mid ah Musharaxiinta madaxweynaha ayaa bilaabay inay ka guuraan guryihii ay ka degenaayeen magaalada Muqdisho kadib markii dhowaan Golaha Shacabka uu meel mariyay muddo kororsi labo sano ah.

Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud oo tan iyo markii uu ka guuray Villa Somalia degenaa guri ku dhow garoonka diyaaradaha ayaa u soo guuray maanta guri ku yaal degmada Cabdicasiis ee Waqooyiga Muqdisho.

Madaxweynihii hore Xasan Sheekh oo ay galbinayaan ciidamo badan ayaa maanta u soo guuray degmada Cabdulcasiis iyadoo la filayo in sidoo kale Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed uu soo dego degmada Kaaraan.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in musharaxiinta kale sida Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre,Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo musharaxiin kaleba ay degi doonaan gudaha degmooyinka gobolka Banaadir.

Arrintan ayaa u muuqata in culeys lagu saarayo Madaxweynaha waqtigiisii dhamaaday ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo muddo kororsi labo sano sameystey.

Xaalada siyaasada dalka ayaa aad u kacsan iyadoo talaabada uu ku dhaqaaqay Madaxweyne Farmaajo ay ka soo horjeesteen beesha caalamka iyo musharaxiinta Madaxtinimada dalka.