Musharaxiinta Madaxweynaha oo ku tilmaamay daan-daansi dagaal Ciidamada la dul dhigay hoygooda

For more information, visit Jowhar.com Somali News Leader
For more information, visit Jowhar.com Somali News Leader

Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynayaasha ayaa war goor dhow ay soo saareen waxay ku cambaareeyeen Ciidamada saaka la dul dhigay xarumaha ay ka degan yihiin magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah waddooyinka.

War saxaafadeedka Midowga Musharaxiinta ayaa lagu sheegay in tallaabada ciidamada lagu dul dhigay ay tahay mid daan daansi dagaal, iyagoo sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu qaadayo mas’uuliyadda kicinta xaalada colaadeed ee lagu qalqal gelinayo amniga dalka iyo midka Musharaxiinta.

Musharaxiinta ayaa ka digay in Ciidamada loo adeegsado ujeedooyin siyaasadeed oo gurracan, waxaana uu ugu baaqay qeybaha kala duwan ee ciidanka in aan loo adeegsan caburinta shacabka.

Akhriso War saxaafadeedka:-