Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya oo shir uga furmaya Muqdisho

Inkabadan toban ka mid ah musharaxiinta xilka Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya ayuu shir socon muddo saddex cisho ah waxa uu uga furmayaa magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

Shirkan ayaa waxaa ay musharaxiinta diirada ku saari doonaan sidii ay mowqif mideysan ugaga istaagi lahaayeen arrimaha doorashooyinka dalka.

Musharaxiintan ayaa sameysanaya Midow ay ku wada jiraan iyadoo aan la ogeyn sida uu ku jirayo midowgaa maadaama ay ka wada mideysan yihiin doonista kursiga madaxweynaha.

Qaar ka mid ah musharaxiinta oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa waxa ay walaac ka muujiyeen sida ay doorashada ku dhici karto iyadoo ay jirto khilaaf ka jira xubnaha guddiyada doorashada.

Dowlada Federalka ayaa weli ku adkeysanaysa in xubnaha guddiyada doorashooyinka ay yihiin kuwo sharci ah halka ay musharaxiintana ay ku tilmaameen xubnahaas kuwo laga soo xulay ciidamada nabadsugida iyo xarunta madaxtooyada dalka.

Ra’iisul Wasaaraha dalka iyo ku xigeenkiisa iyo weliba wasiirka warfaafinta ayaa sheegay in guddiyada doorashooyinka ay yihiin kuwo sharci ah oo aan waxba laga bedeleyn.