Muuse Biixi oo mamnuucay kaqeybgalka siyaasadda Soomaaliya

539

Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu mamnuucay ka qaybgalka Siyaasadda Soomaaliya.

Qoraalka kasoo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa lagu yiri

“Qof kasta oo u dhashay Dalkan Jamhuuriyadda Somaliland, ha noqdo Masuul Dawladeed, Shicib, Urur, Axsaab, Aqoon-yahan, Madax-dhaqameed, Suugaan-yahan iyo dhammaanba qaybaha Bulshada oo ka qayb-gala siyaasadda Soomaaliya ee lagu mamnuucay Go’aanka Labada Gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland waxa lagu qaadi doonaa Dambi Khiyaamo Qaran, si waafaqsan Qodobka 1aad iyo 2aad ee Go’aanka Labada Gole.”

Wareegtadan ayaa ku soo beegmeysa xilli magaalada Muqdisho ay ka dhacayso doorashada xildhibaanada golaha shacabka ee ka soo jeeda Somaliland.

muuse biixi oo mamnuucay kaqeybgalka siyaasadda soomaaliya

  • muuse biixi oo mamnuucay kaqeybgalka siyaasadda soomaaliya