Muuse Biixi oo soo dhoweyn hab maamuus leh loogu sameeyay Jabuuti

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa gaaray dalka Jabuuti, halkaasoo si diiran loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Ambouli.

Soo dhoweyntan oo aheyd mid hab maamuuskeeda sareeyay, isla markaana roog cas loo fidiyay, ayaa waxaa soo dhoweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Jabuuti.

Booqashada Madaxweynaha Somaliland ee Jabuuti ayaa ku soo aaday maalmo kaddib markii uu Jabuuti ku soo gabagaboobay shir madaxeedkii Urur Goboleedka IGAD.

Muuse Biixi ayaa la filayaa inuu la kulmo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo mas’uuliyiinta dowladda, iyagoo ka wada hadli doona xiriirka iyo iskaashiga labada dhinac.

Waa booqashadii labaad oo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi dibadda uga ambabaxo, todobaadkii hore ayuu tagay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasoo uu kula kulmay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.