Muuse Suudi oo ku horeeya Wareegga koowad ee doorashada Aqalka Sare

1,650

Waxaa soo dhamaatay tirinta wareegga koowaad ee doorashada Aqalka Sare ee caawa ka socota magaalada Jowhar.

Kursiga u horeeya oo ay ku tartamayeen afarta musharax ee kala ah Muuse Suudi Yalaxow,Cabdullahi Sheekh Xasan,Axmed Xasan Cadow Daaci iyo Dr. Xasan Cadaay Cali.

Natiijada wareega koowad ayaa waxaa uu helay Xaaji Muuse Suudi Yalaxow 51 cod halka uu Axmed Xasan Caddow uu 28 helay cod sidoo kale Cabdulaahi Sheekh Xasan  ayaa helay 15 cod halka Dr Xasan Caddaay Cali uu ka helay 2 cod. waxaa halaabay 2 cod.

Waxaa wareegga labaad isugu soo haray Muuse Suude Yalaxow,Axmed Xasan Caddow Axmed Daaci iyo Cabdulaahi Sheekh Xasan.