Muuse Suudi Yalaxow oo mar labaad noqday Senatar ka tirsan Baarlamaanka Hirshabelle

1,690

Xaaji Muuse Suudi Yalaxow ayaa ku guuleystey kursigii ugu horeeyay ee doorashadii ka dhacday caawa magaalada Jowhar kadib markii uu wareegga labaad ka helay codad gaaraya 55 cod.

Wareegga labaad ee doorashada Kursiga ayaa waxaa ku tartamayay Muuse Suudi Yalaxow iyo Axmed Xasan Caddow “Axmed Daaci” oo helay codad gaaraya 43 cod.

Doorashada kursigan oo la aaminsan yahay inuu ahaa kan ugu adag ayaa waxaa guusha uu gaaray Muuse Suudi Yalaxow aad loogaga dareemay caasimada dalka ee Muqdisho.

Kursigan oo ay ku tartamayeen afar musharax ayaa waxaa wareeggii saddexaad ka haray Cabdulaahi Sheekh Xasan oo wareegii koowaad ka helay codad gaaraya 15.

Waxaa goor dhow bilaabanaysa doorashada kuraasta kale ee caawa lagu tartamayo magaalada Jowhar.