Muwaadin Soomaali ah oo lagu diley dalka Koofur Afrika

547

Wararka ka imanaya dalka Koofur Afrika ayaa sheegay in Koox Burcad Koonfur Afrikan ah ay xalay meel kamid ah dalkaas dileen nin dhalinyaro ah oo ka mid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed oo ku ganacsata dalkaas.

Muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Mahad Dheere ayaa Kooxaha burcadda ah waxaa ay ku dileen dukaankiisa oo kuyaala degmada Mamelodi ee hoos tagta magaalada Pretoria ee Dalka Koonfur Afrika.

Ciidama ka tirsan Booliska Koonfur Afrika ayaa gaaray goobta uu falkaasi dilka ah ka dhacay, iyaga oo sameeyay howlgal ay ku baadi goobayeen dableeydii ka dambeeysay dilka muwaadinka Soomaaliyeed walow ay ku guuleysan inay soo qabtaan.

Mid kamid ah Soomaalida kunool dalka Koonfurka kuna sugnaa Goobta uu dilka ka dhacay ayaa waxaa uu sheegay in ka hor dilka muwaadinka ay wada murmeen kooxaha Burcadda ah iyo muwaadinka Soomaaliyeed sidaaasna uu dilka u dhacay.

Waxaa caadi ka noqday dalka Koofur Afrika dilalka loo geysto muwaadiniinta Soomaaliyeed ee wadankaas ku nool.