Muxuu yahay heshiiska ay kala saxiixdeen Mareykanka iyo Soomaaliya ee ku kacaya $86.7 Milyan?

Sept. 29 (Jowhar.com)-Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, XFS, Mohamud A. Sheikh Farah (Beenebeene), oo uu weheliyo Wasiirka Maaliyadda Dr. Cilmi Nuur iyo Danjire Andre ayaa kala saxiixday heshiis horumarineed oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Mareykanka, kaa soo lagu taageerayo Soomaaliya dhaqaale gaaraya 86.7 Milyan USD.

Heshiiskan oo ah mid diiradda saaraya dhinacyada Horumarinta, ayaa mudnaanta waxuu siinaya: Dimuqraadiyadda, Maaamulka, Xasilinta iyo Adkeysiga oo muhiimad gaar ah u leh dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay dowladda Mareykanka, taageeridda saaxiibtinimo; iyadoo islamarkaasna la hubinayo in looga fa’ iideysto taageeriddaan hanaankii loogu talagalay, sidoo kalena la waafajinayo Qorshaha Horumarinta Qaranka.

Mareykanka ayaa sheegay inuu laba jibaarayo taageerada uu siiyo Soomaaliya, xili dalka uu haatan la tacaalayo Abaaro iyo Colaado baahsan.

muxuu yahay heshiiska ay kala saxiixdeen mareykanka iyo soomaaliya ee ku kacaya $86.7 milyan?

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More