Nabadoon kasoo jeeda Beesha Reer Xaaji Saleebaan oo lagu dilay Muqdisho.

Dec. 21 (Jowhar.com)-Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar xalay la dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo lagu dilay nin nabadoon ahaa oo siw eyn looga yawaanay caasimadda.

Nabadoonka la dilay oo lagu magacaabi jiray Xirsi Cali Diirshe ayaa la toogtay isagoo ka soo baxay masjid uu ku soo tukaday saaladda, wuxuuna ku sii jeeday hoygiisa oo isla degnada Heliwaa ah.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada dilkan, iyadoo ciidamadda amniga ay ku guul dareysteen iney gacanta kusoo dhigaan danbiilayaasha oo weerarka kadib si nabad gelyo leh goobta isaga baxsatay.

Si kastaba, Nabadoonka la dilay ayaa kasoo jeeda Beesha Reer Xaaji Saleebaan, waxaana dilkiisa uu la xiriiraa beegsiga ay haatan Al-Shabaab ku heyso Beeshaas oo kula dagaalantay Galgaduud.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More