Nin ay Puntland dil ku xukuntay isagoo maqan oo soo hadlay, xog badanna bixiyay.

June 23 (Jowhar.com)-Cabdiraxmaan Shirwac Aw-Saciid oo ku magac dheer (Laahoor) oo todobaadkan maxkamad ku xukuntay dil toogasho isagoo maqan ayaa iska fogeeyay eedaha loo heysto, wuxuuna tilmaamay inuu ku sugan yahay tuulo ka tirsan gobolka Bari oo uu ku hayo hooyadiis oo xanuusan mudo sideed bilood ah.

Laahoor oo VOA-da u waramay ayaa iska fogeeyay inuu wax xiriir ah la leeyahay kooxaha Shabaab iyo Daacish ee ka howlgala magaalada Boosaaso, iyadoo eedaha loo heystay ay tahay dilal iyo qaraxyo ka dhacay xarunta gobolka Bari oo dhimasho sababay.

“Waxaan ahay nin shacab ah oo lagu xukumay dil, cadaalad xumo ayaa la igula kacay, waxaan u dhashay gobollada Puntland, kama mid ihi Al-Shabaab iyo Daacish, si toos ah iyo si dabdab midna ulama shaqeeyo, banaanka ayaan ka ahay,” ayuu yiri.

Cabdiraxmaan Shirwac Aw-Siciid oo loo yaqaan Laahoor ayuu ku sheegay magaciisa saxda ah, iyadoo Guddoomiyaha maxkmadda ninka ay raadinayaan magaciisa ku sheegay Cabdiraxmaan Ciise Axmed Laahoor, kaasoo laamaha amniga ay baadi goob ugu jiraan.

Laahoor ayaa tilmaamay in dhowr jeer oo hore loo xiray Shabaabnimo, balse markii danbe la sii daayay kadib markii danbi lagu waayay, wuxuuna tilmaamay inuusan garaneynin dadka lala xukumay ee ku marqaatiga kacay.

“Hada waxaan diyaar u ahay inaan sharciga hor imaado, si cadaaladeyda loo sugo,Waxaa ii qorsheysan inaan deg deg u imaado Boosaaso, oo ah halka ay joogaan ragga I xukumay, 1986-kii ayaan Boosaaso ka bilaabay shaqo kaari ah, leesin ayaan dowladda ka heystaa,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Laahoor.

Si kastaba, Afar nin oo labo maalin ka hor ay Puntland xukun dil ah ku riday ayaa sheegay inuu Laahoor yahay hoggaamiyahooda bixin jiray amarada lagu fuliyo dilalka iyo qaraxyada ka dhaca magaalada Bosaso, hayeeshee uu laahoor uu eedeyntaasi beeniyay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More