Nin dhalinyaro ah oo lagu diley magaalada Jalalaqsi

713

Wararka ka imanaya degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in nin dhalinyaro ah oo u shaqeynayay mid kamid ah hay’adaha samafalka ee ka howlgalla degmadaas.

Ninka oo lagu Magacaabi jiray Cabdalla Maxamed Maxamuud, waxaa dilkiisa uu ka dhacay bartamaha magaalada Jalalaqsi iyadoo dadkii dilayna ay baxsadeen.

Illaa hadda lama yaqaan cidda ka dambeysay dilka Cabdalla Maxamed Maxamuud waxaana ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska Jalalaqsi inay baaritaan ku sameynayaan cidda mas’uulka ka ah dilkiisa.