Nuur Canjeex iyo Fartuun Karaama oo loo doortay Senataro Aqalka Sare

1,691

Nuur Maxamed Geedi Canjeex ayaa markii ugu horeysay ka mid noqday Senatarada Aqalka Sare kadib markii uu ka guuleystey Maxamed Cusmaan Dhega-Juun oo afartii sano ee la soo dhaafay ka mid ahaa senatarada Aqalka Sare.

Senator Nuur Canjeex ayaa helay 70 Cod kadib markii caawa ay wada tartameen Maxamed Dhagajuun.

Nuur Canjeex ayaa kamid ahaa nabadoonada sida weyn looga yaqaan magaalada Jowhar waxana uu hore uga mid ahaa shaqaalihii warshadii hore ee Sokorta SNAI-BIASA ee magaalada Jowhar.

Sidoo kale Fartuun Cabdulqaadir Faarax Karaama ayaa Cod gacan taag ah ku kusoo baxday, Ka dib markii ay u tanaasushay Sacdiyo Yarow oo la tartameysay.

Saddex ka mid ah kuraasta Aqalka Sare ee laga soo dooranayay Hirshabelle ayaa caawa lagu kala guuleystey iyadoo labo kamid ah kuraasta si adag loogu tartamay.