Oday dhaqameedyo maanta gaaray magaalada Jowhar

FB_IMG_1603027798761

Qaar ka mid ah oday dhaqameedyada Soomaaliyeed ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle.

Oday dhaqameedyadan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Maxamed Dheere ee magaalada Jowhar ku soo dhoweeyay qaar ka mid ah xubnaha guddiga farsamada soo xulista baarlamaanka labaad ee Hirshabelle.

Oday dhaqameedyada soo gaaray magaalada Jowhar ayaa waxaa ka mid ah Imaam Maxamed Yuusuf,Ugaas Maxmed Weli Xuseen Islow,Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Cabdulaahi,Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyo qaar kale.

Ujeedka oday dhaqamedyada ay maanta u yimaadeen magaalada Jowhar ayaa ah sidii loo soo xuli lahaa xildhibaanada labaad ee baarlamaanka Hirshabelle.

Mudada xil haynta Dowlad goboledka Hirshabelle ayaa soo gabagabowday iyadoo lagu wado in illaa horaanta bisha soo socota ee November la qabto doorashada madaxweynaha Hirshabelle.