Puntland iyo Jubbaland oo ku baaqay in shir degdeg la isugu yimaado 30 Janaayo

Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa war saxaafadeed ay wadajir u soo saareen waxay ku shaaciyeen inay soo gudbiyeen Guddiga doorashada ee horay looga sugayay, kaasoo ka mid ahaa arrimihii u xayirnaa hirgelinta heshiiskii doorashada 17 September 2020.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Xubnaha Beesha Caalamka oo uu ugu horreeyo Ergeyga Qaramada Midoobey James Swan uu door muhiim ah ka qaatay sidii Madaxda Wadatashiga Qaranka ay shir isugu imaan lahaayeen, loona xallin lahaa khilaafka jira iyo in Puntland iyo Jubbaland ay soo magacaabaan Guddiyada, si ay qeyb uga noqoto qabsoomida shir lagu wadatashi oo si guud loogu xalliyo dhammaan qodobada lagu muransan yahay.

Sidoo kale Puntland iyo Jubbaland ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada in shir degdeg ah la isugu yimaado magaalada Muqdisho 30 bisha Janaayo, si loogu xalliyo arrimaha hortaagan doorashada.

Waxaa ay ugu baaqeen Beesha Caalamka in gacan ka geystaan in dalka laga badbaadiyo khatar amni iyo xasillooni darro siyaasadeed oo uu wajihi karo haddii la gaaro 8 February 2021, iyadoo heshiis laga gaarin qabsoomida doorashada.

halkan hoose ka akhriso:-