Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Cabdiladiif Muuse Sanyare ayaa abaal marin lacageed u balan-qaaday cidii soo disha Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere.
Khudbad uu ka jeediyay Munaasabad ka dhacday magaalada Gaalkacyo ayuu ku sheegay in cidii soo disha Cali Dheere uu siin doono abaal marin lacageed oo dhan $500,000 (Shan boqol oo ku dhon oo doolar).
Mr Sanyare oo ka jawaabayay hadal dhowaan ka soo yeeray Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere oo isna ku baaqay in la soo dilo Guddoomiyaha Gobolka Mudug Cabdiladiif.
“Labo malyuun oo qof ayuu afkooda ku sheegay in la dilay Cali Dheere, waxaa balan-qaadayaa cidii isaga soo disha in la siinayo lacag shan boqol oo kun dollar”ayuu yiri Cabdiladiif.
Cabdiladiif walaalkiis oo ahaa Guddoomiyihii hore ee Gobolka Mudug ayaa waxaa horay u weerar is qarxin ah ugu dilay Al-Shabaab.