Puntland oo markale ku celisay in Shirka Arrimaha Doorashooyinka lagu qabto Muqdisho

Dowlada Goboleedka Puntland ayaa markale ku celisay in shirka uu iclaamiyay dhowaan Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday lagu qabto magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Dabaraani oo maanta ka hadlay kadib shir ay yeesheen golaha wasiirada Puntland oo uu shir guddoominayay Madaxweynaha Puntland Siciaid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in goluhu uu ka dhagaystay Madaxweyne Deni xaaladda dalku marayo iyo dadaalka dowladdu gelisay in la xaliyo oo laga heshiiyo tabashooyinka ka dhashay hirgelinta heshiiskii 17-ka September 2020.

“Puntland marwalba waxa ay kaalin muhim ah ka qaadanaysaa sidii dalku uga gudbi lahaa marxaladda uu ku jiro, waxayna soo jeedisay in ay muhim tahay in dhakhso shir la isugu yimaado oo lagu qabto Muqdisho madaama Hay’adda Dastuuriga ah ee DFS wakhtigoodu dhammaaday, Shirkuna u baahanyahay wakhti badan in la geliyo, Saamileyda Siyaasadda, Beesha Caalamka iyo dhammaan dhinacyada ay khuseysona ay halkaasi wada joogaan.”ayuu yiri Afhayeenka Maamulka Puntland.

Warkan kasoo baxay Puntland ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dowladda Soomaaliya ay markale ku celisay in shirka wadatashiga dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada uu ka dhacayo magaalada Garoowe.