Puntland oo shaacisay inay qabtay rag dil ka geystey Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa shaaciyay in ay gacanta ku dhigeen dabley habeen hore magaalada Gaalkacyo ku dilay Sarkaal ka tirsan ciidanka dambi baarista Puntland, kaasi oo ay dileen koox Bistoolado ku hubeysan.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee dhanka Puntland oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay ay gacanta ku dhigeen dableydii dilka ka dambeyay, kuwaasi oo uu sheegay in ay cadaaladda Mari doonaan.

Waxaa uu sheegay in isla markii falka dilka ahi uu dhacay ay gacanta ku dhigeen mid ka mid ah kooxdii dilka fulisay, taasina ay u fududeeysay in ay dabagal ku sameeyeen dableydii kale ee qaybta ka ahaa falka dilka ah ee ka dhacay waqooyiga Gaalkacyo.

Magaalada Gaalkacyo ayaa dilalka qorsheysan ay marwalba ka dhacaan waxaana dilkii ugu dambeeyay habeen hore lagu diley Cumar Maxamed Samatar oo ahaa Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Dambi baarista Maamulkaasi Puntland, waxaana mas’uuliyadda dilkaasi sheegtay dagaalamayaasha Al-shabaab.