Qaar ka mid ah wadamada Yurub oo dib u bilaabay tallaalka Covid 19

Qaar ka mid ah dalalka ku jira Midowga Yurub ayaa maanta mar kale bilaabay isticmaalka tallaalka Oxford-AstraZeneca ka dib markii hay’adda dawooyinka ee Midowga Yurub ay sheegtay in tallaalka uu yahay mid ammaan ah.

Wadamada Faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga,Portugal, Lithuania iyo Latvia ayaa ka mid ah dalalka maanta dib u bilaabay tallaalka Covid 19.

Ra’iisal wasaaraha Faransiiska Jean Castex ayaa maanta qaadan doona tallaalka iyadoo dalkaasina uu ka mid yahay wadamada si weyn uu u saameeyay cudurka Covid 19.

Netherland ayaa dib u bilaabi doona usbuuca soo socda,iyadoo 110,000 oo tallaal ah oo baaqday in la siin doono dadka.

Spain ayaa mar kale bilaabi doonta tallaal Arbacada soo socota Denmark ayaana maanta go’aansan doonta dib u bilaabista tallaalka.