Qaban qaabada shir ka dhan ah muddo kordhinta Farmaajo oo ka socda Muqdisho

Waxaa socota Qaban qaabada shirweyne todobaadka soo socda ka dhici doona Muqdisho, kaasoo ah shir Beelaha Hawiye isugu imaanayaan oo ay ka qeyb galayaan waxgaradka, siyaasiyiinta, madaxdii hore iyo Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Galmudug iyo Hirshabelle.

Guddiyo ka tirsan Musharaxiinta, odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiin kale ayaa ka shaqeynaya qaban qaabada shirkaas oo la filayo in la qabto maalinta Isniinta ee soo socota.

Shirkan ayaa laga soo saari doonaa go’aano ka dhan ah muddo kordhinta labada sano ee Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle ayaa iyana shirkaas ka sheegi doona waxa ay kala soo kulmaan Madaxweyne Farmaajo marka ay la kulmaan iyo mowqifka ay ka qaateen muddo kordhinta.

Shirkii xalay dhex maray Midowga Musharaxiinta iyo Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle ayaa la isku afgartay in dalka doorasho aado oo aan la taageerin muddo kordhinta, iyadoo labada Madaxweyne Dowlad Goboleed ay dalbadeen in Farmaajo marka hore uga soo digaan qatarta muddo kordhint taasi oo ay ka horyimaadeen beesha caalamka.