Qarax ka dhacay caawa magaalada Muqdisho

Qarax xoogan oo jugtiisa laga maqlay qaar ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho ayaa ka dhacay caawa magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Qaraxa ayaa ka dhacay inta u dhexeysa Isgooyska Taleex iyo isgoyska KM4, ayaa ka dhashay sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo wadada dhinaceeda la dhigey.

Iama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxa, waxaana goobta gaaray Ciidanka ammaanka iyo gaadiidka gurmadka degdega ah iyadoo la xirey wadada.