Qarax lala eegtay ciidamo deegaanka Carbiska ee degmada Afgooye

Ugu yaraan shan askari ayaa ku dhaawacantay kadib markii qarax lala eegtay gaari ay saarnaayeen deegaanka Carbiska ee degmada Afgoye.

Ciidamada lala beegsaday qaraxa ayaa ka mid ahaa askarta ilaalada gaarka ah ee shaqaalaha iyo injineerada Turkida ah ee dhisaya wadada xariirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

Weeraro ismidaamin ah iyo kuwo qarax ah wadada la dhigey ah ayaa kadhacay wadaa isku xirta magaalada Muqdisho iyo Afgoye oo dib u dhis casri ah lagu sameynayo.